Illaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarradii gantaallada ahaa ee lala beegsaday bartilmaameedyo u dhow magaalada Erbil ee waqooyiga Ciraaq habeenkii Isniinta.

weerarka ayaa sababay dhimashada afar qof oo raydi ah iyo dhaawac lix kale sida ay sheegeen maamulka gobolka Kurdistan

Mareykanka ayaa cambaareeyay weerarradan, waxaana bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka lagu yiri, “Waxaan ka soo horjeednaa gantaallada aan ka fiirsiga lahayn ee Iran ay fulisay, kuwaasoo wiiqaya xasilloonida Ciraaq.

Duqeymahan ayaan lala beegsan xarumaha Mareykanka, mana jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamada Mareykanka, sida ay laba sarkaal oo Mareykan ah u xaqiijiyeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in weerarkooda lala beegsaday “xarumo basaasnimo iyo isku imaatin ay leeyihiin kooxaha argagixisada ah ee ka soo horjeeda Iran” oo ku yaal magaalada Erbil ee Ciraaq, taas oo ay beeniyeen mas’uuliyiinta gobolka, oo sheegay in duqeynta lala beegsaday guriga ganacsade Kurdish ah. ee Erbil.

Si looga jawaabo su,aasha ah maxay yihiin ciidamada ilaalada kacaanka ayaa u baahanaysaa in dib loo eego asaaskii ciidankan iyo u jeedada loo sameeyey.

Ciidankan ayaa la asaasay sanadkii 1979-kii si loo ilaaliyo nidaamka cusub ee soo baxaya iyo in la abuuro nooc ka mida dheelitirka awoodda ciidamada qalabka sida ee Iran.

Awooda ciidamada Ilaalada Kacaanka

Ka dib dhicidii awoodii boqortooyadii Shah ee ka talin jaray Iran, mas’uuliyiinta cusubi waxay ogaadeen inay u baahan yihiin ciidan weyn oo u heellan hadafyada nidaamka cusub iyo inay difaacaan qiyamka iyo mabaadi’da kacaanka.

hogaamiyashu waxay diyaariyeen xeer cusub oo ay ku jiraan ciidamada caadiga ah ee milateriga, kuwaas oo loo igmaday ilaalinta xuduudaha dalka iyo ilaalinta amniga gudaha, iyo ciidamada ilaalada kacaanka (Pasdaran) oo loo xilsaaray ilaalinta nidaamka talada haya.

Dhinaca dhulka, doorka labada ciidan ee aan kor ku soo xusnay ayaa had iyo jeer is dulsaaran. Tusaale ahaan, Ilaalada Kacaanku waxay sidoo kale fulisaa hawlaha kaalmaynta ilaalinta amniga guud, waxayna si joogto ah u xoojiyaan ciidamadooda, kuwa badda iyo cirka.

Muddo ka dib, Ilaalada Kacaanku waxay isu beddeleen cudud ciidan, oo ku sidkan hab siyaasi ah iyo mid dhaqaale gudaha Iran

Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Jacfari, ayaa kaalin weyn ka qaata fulinta hawlihii uu u igmado Hogaamiyaha Sare ee Kacaanka.

Waxaana markii danbe la isku biiriyey ciidamada ‘Baasij’ oo ah ciidamada gaara iyo kuw ilaalada kacaanka kuwaas oo wax laga beddelay istiraatijiyadda cusub ee ciidamada kacaanka oo hoos tagaya awaamiirta hogaamiyaha sare.

Hawsha ugu weyn ee ciidamada Kacaanka hadda waa in marka hore laga hortago khataraha cadawga gudaha, iyo in ciidanka laga caawiyo sidii ay uga hortagi lahaayeen khataraha dibadda.

Tirada cidamada Ilaalada Kacaanka ayaa lagu qiyaasaa ilaa 125,000, waxaana ay leeyihiin ciidamo dhulka ah, marka laga soo tago cutubyo ka tirsan ciidamada badda iyo kuwa cirka, waxaana ay kormeeraan hubka istiraatiijiga ah ee Iran

Ciidamada Basij ee Iran

ILAALADA KACAANKA IRAN
Qoraalka sawirka,Xoogaga abaabulan ee Iran ee loo yaqaan Ba

Ciidamadan waxa loo yaqaanka kuwa ciidanka abaabulka ama xoogaga wadaniyiinta waxayna ku xiran yihiin Ilaalada Kacaanka Iran kuwaas oo la rumaysan yahay inay ka kooban yihiin ilaa 90,000 oo rag iyo dumarba ka koobaan, kuwas oo awood u leh inay abaabulaan ilaa hal milyan oo mutadawiciin ah marka loo baahdo.

Shaqooyinka ugu muhimsan ee ay qabtaan xoogagan abaabulan ee Basij waxaa ka mid ah inay ka hortagaaan dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah maamulka ee ka jira gudaha Iran, sida dhacday sanadkii 2009-kii markaas oo rabshado ka dhaceen gudaha dalkaas ka dib markii lagu dhawaaqay in Maxamuud Axmed Najad ku guulaystay doorashadiii dhacday.

Xubnaha Basij ayaa ka horyimid banaanbaxa lagu taageerayay musharaxa kale ee Mirhossein Mousavi

Ciidamada Qudus

ILAALADA KACAANKA IRAN
Qoraalka sawirka,Ninkii mudda dheer hogaaminayey ciidamada gaarka ee Qudus ee Maraykanku dilay Qaasim Sulaymani

Ciidamada Qudus ayaa ah cudud ka tirsan ciidamada ilaalada kacaanka, waxaana ay fuliyaan howlgalo xasaasi ah oo dibadda ah, sida hub iyo tababaro ay siiyaan kooxaha ku dhow dhow Iran, sida Xisbullah Lubnaan iyo kooxaha Shiicada ah ee Ciraaq kadib duulaankii Mareykanka ee Ciraaq 2003-dii.

Taliyaha ciidamada Qudus General Qasem Soleimani, oo hogaamiyaha ugu sareeya Ali Khamenei uu ku tilmaamay “Shahiid nool” ayaa ka dhisay gobolka xiriir ballaaran oo ka dhexeeya Yemen ilaa Suuriya, Ciraaq iyo dalal kale, si uu u noqdo wejiga ugu caansan ee heerka saamaynta Iran ee wadamadan, maa ahayn wax dhif iyo nadir ah inuu ka soo muuqda jiidaha hore ee dagaalka ay kula jiraan dagaalyahanada shiicada ee Suuirya iyo Ciraaq.

Saamayntooda ballaaran

Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa xiriir la leh Hogaamiyihii Sare ee dalka oo haya xilka Taliyaha ugu sareeya ee Ciidanka Xoogga dalka, waxaana Hogaamiyuhu uu awoodiisa u adeegsaday fidinta awooda iyo xoojinta awooda Ciidanka.

Waxa la rumaysan yahay in Ilaaladani ay gacanta ku hayso saddex meelood meel ka mid ah dhaqaalaha Iran, iyada oo ay gacanta ku hayaan hay’ado badan, lacago samafal ah, iyo shirkado ka shaqeeya dhinacyo kala duwan.

Waa hay’adda saddexaad ee ugu qanisan Iran marka laga reebo Shirkadda Shidaalka ee Iran iyo Imam Reza Endowment.

Doorkooda dibada

ILAALADA KACAANKA IRAN

Ciidanka ilaalada kacanka ayaa ka tiro badan ciidanka caadiga ee Iran, waxaana loo arkaa inay yihiin cudud ciidan oo xoog leh in badan oo ka mid ahna waxay gudaha iyo dibada ka fuliyaan howlgalo waaweyn

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ayaa intii uu socday dagaalka Suuriya waxa ay ku waayeen qaar ka mid ah taliyaal sare oo caan ahaa oo ka mid ahaa Major General Hussein Hamedani oo ahaa Taliyihii Ciidamada Ilaalada ee dalka Suuriya, xilliyadii ay dagaalada ka socdeen dalka Suuriya gaar ahaan baadiyaha Xalab.

Waxa kale oo la aaminsan yahay in ilaalada kacaanku basaasiin gaara ku leeyihiin ama u joogaan safaaradaha Iran ee caalamka, iyadoo la sheegay in canaasiirtaasi ay fuliyaan hawlgallo sirdoon, oo ay samaystaan xeryo tababar, isla markaana ay gacan ka geystaan taageerada ay siiyaan xulafada Iran ee dibadda.

Ciidanka Quds waa laanta ugu caansan IRGC ee dibadda.

Cidankan ayaa hub, lacag iyo tababaro siisya xulufadooda bariga dhexe oo ay ku jiraan xulufadooda jooga Ciraaq,Suuriya iyo Lubnaan kuwasoo daacad u ah Iran.

Dr. Sanam Vikal oo ka tirsan xarunta cilmi baaritsa ee Chatham House dhanka arimaha caalamiga kuna sugan London ayaa sheegay in maamulka Iran uu Maraykanka u arko cadowgiisa ugu weyn iyagoo taageera kooxaha la xulufada ah weerarada ay ka gaystaan gobolka.

Mareykanka ayaa ku eedeeyay ciidamada Quds iyo kooxaha ay Iran taageerto inay boqolaal askari oo Mareykan ah ku dileen Ciraaq iyo meelo kale oo ka tirsan bariga dhexe.

Baarlamaanka Yurub ayaa soo saaray qaraar uu ku taageerayo in ciidamada ilaalada kacaanka Iran lagu tilmaamo koox argagixiso, balse wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub waa in ay ogolaadaan tallaabadaas.

Maraykanka ayaa liiska argagixisada ku daray Ilaalada Kacaanka Iran sanadka 2019 taas oo ay ugu wacan tahay taageerada dheeraadk ah ee Ilaalada Kacaanku ay siiyaan kooxaha hubaysan sida Xisbullah.

Share.
Leave A Reply