
27 Maajo 2025
Magaalada Muqdisho waxa soo gaarey ciyaartoy horey caan uga ahaa qaaradda Afrika iyo caalamkaba oo hadda qaarkood ay xilal sare ka hayaan xiriirrada Afrika iyo kan aduunka ee FIFA.
Ciyaartoydaas oo ay ku jiraan xiddigii hore ee xulka Cameroon, haddana ah madaxweynaha xiriirka kubadda cagta ee dalkiisa Samuel Eto’o, ciyaaryahankii hore ee Togo Emmanuel Adebayor iyo xiddigii hore reer Nayjeeriya Jay-Jay Okocha ayaa qayb ka ah socdaal lagu qiimeynayo suurtogalnimada in Soomaaliya ay marti geliso ciyaaraha caalamiga ah.
Xiddigahan oo magac iyo maamuus ku dhex leh ciyaaraha kubadda cagta Afrika, ayaa inta ay Muqdisho joogaan u kuurgeli doona garoomada iyo xarumaha ciyaaraha ee dalka, waxayna durba ka qaybgaleen ciyaar lagu maamuusayey imaanshahooda oo ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Mogadishu Stadium.
Ciyaartan oo dhex martay labo oo ka koobnaa ciyaaryahanno horay ugu soo ciyaaray Soomaaliya iyo qaar ka mid ah kooxaha dalka, iyo xiddigahan hore ee Afrika oo ay la safan yihiin ciyaartoyda ajnabiga ah ee ka ciyaara Soomaaliya, waxaa daawashadeeda ka qaybgalay madax, mas’uuliyiin ka tirsan xiriirrada SFF, CECAFA, CAF, FIFA iyo dadweyne aad u badan.
Soomaaliya waxaa ugu dambeysey martigelinta ciyaaro caalami ah ka hor dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay 1991-dii, waxayna hadda isku dayeysaa in ay kasbato kalsoonida xiriirrada caalamiga ah ee ciyaaraha qanbanqaabiya.
Guddoomiye Ku-xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, Axmed Taqal oo ciyaartu intii aysan billaaban la hadlayey wariyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan, ayaa sheegay in hadafka ugu weyn yahay sidii dunida loogu qancin lahaa in Soomaaliya diyaar u tahay martigelinta xulalka caalamiga ah, halka muddooyinkii la soo dhaafay ay ciyaaraha gurigooda ay ku ciyaarayeen dalka dibeddiisa.
Axmed Taqal oo sii hadlayey wuxuu intaas ku daray in ay dadaal dheer u galeen beddelidda aragtida laga haysto Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo ciyaaraha, wuxuuna rajo ka muujiyey in mar dhow uu dalku la soo laaban doono xaquuqdiisa ku aaddan in xulalka qaranku ay kulamada gurigooda ku ciyaaraan dalka gudihiisa.
Qaar ka mid ah dadweynihii ka soo qaybgalay ciyaarta ka dhacday garoonka ciyaaraha ee Muqdisho Stadium ayaa cabiray dareenkooda ku aaddan booqashada madaxda iyo ciyaartoyda heer calami ay dalka ku yimaadeen.
Nasra Maxamed Maxamud ayaa mar ay BBC-da kula hadlay garoonka dhexdiisa waxay soo dhaweysey ciyaartoyda dalka yimid oo qaarkood ay taageere u ahaan jirtey, waxayna sidoo kale sheegtay in ay aad ugu han weyn tahay in ay aragto xulka qaranka Soomaaliya oo mustaqbalka dhow gurigooda ku ciyaaraya.



“In ciyaar nuucan ah Garoonka istaadiyo Muqdisho lagu qabto waxay shacabka uga dhigan tahay guul, waxaana rajeyneynayaa in ay dib u soo noqon doonaan ciyaarihii kala duwanaa ee dalkeennu martigelin jirey,” ayuu yiri Saciid Maxamed Xasan oo loo yaqaan Saacid oo ka mid ahaa dadkii u soo daawasho tagey ciyaarta. Isagoo intaas ku daray in ciyaartan ay u leedahay xiiso gaar ah maadaama ayuu yiri “ay i soo xasuusisay bari-samaadkii”.
Shukri Dhalbaas oo ka mid ahayd dadka u soo daawasho tagey ciyaarta ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay isbeddelka dalka ka dhacay iyo in Soomaaliya ay ku noqoto fagaarayaasha ciyaaraha caalamiga ah. Waxayna u mahadcalisey xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo cid kasta oo suurto gelisey in dalku soo jiito dadka caanka ah.
Xiddigahan Afrikaanka ah ayaa ka sokow sumcadda ay ku dhex leeyihiin kubadda cagta, waxay sidoo kale ka dhex muuqdaan xiriirrada dalalkooda iyo kuwa qaaradeed. Wuxuuna imaashahoodu xoojinayaa dadaalka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta uu muddaba ugu jirey in Xulka Soomaaliya loo ogolaado in ay garoomada dalka ku ciyaari karaan lugta guriga oo hadda ay u aadaan dalka dibeddiisa.