In ka badan 200 oo sano ayaa lagu qiyaasaa in uu jiray xidhiidhka Ruushka iyo Maraykanku. Muddadaasi waxa uu maray marxalado kala geddisan. Warbixintan ayaan ku eegaynaa sida uu isu bedbeddelay cilaaqaadka u dhexeeya labadaasi waddan muddadaas aadka u dheer.

Sannadku markuu ahaa 1809 ayaa taariikhdu xusataa in xidhiidh diblomaasiyadeed ee ugu horeeyay ee dhex mara Boqortooyadii Ruushka iyo Maraykanka.

Maaddaama Ruushanku xilligaas ay lahaayeen jireen Alaska oo markii dambe Maraykanku ka iibsaday. Waxay xuduud la lahaayeen gobolka hadda loo yaqaanno California.

Ganacsiga dhexdooda ayaa aad u kobcay gaar ahaan dhogorta xoolaha iyo badeecadaha. kale.

Xidhiidhkooda wanaagsani waxa uu sababay in 1860-aadkii, Ruushku uu maraakiib dagaal u soo diro dekadaha Mareykanka si ay u ilaaliyaan, xxilligaasi oo dadka Maraykanka ah ay is dilayeen.

Share.
Leave A Reply