Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa ku ansixiyay kalfadhigoodii Maanta Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha oo guddiga xuquuqul insaanka uu ku soo daray doodii iyo aragtidii xildhibaanada ee akhrinta labaad, iyada oo ugu horayn xildhibaan Cabduqaadir Sheekh Cali Barako oo ka mid ah Guddiga Xuquuqul Insaanka uu la wadaagay golaha.

Deegaanada iyo maamulada kala duwan ee Soomaaliya ayaa waxaa ku yaala xeryo ay ku barakaceen dad Soomaaliyeed oo deegaano kale oo dalka ah ka soo barakacay, iyaga oo ammaan iyo nololba raadinaya. Qaarkood xaalada kala duwan oo nolosha iyo caafimaadka ah ayay ku wajahaan goobahaasi.

Hadaba muhiimada sharcigan uu u leeyahay dadka ku barakacay gudaha dalkooda ayaa Xildhibaan Barako uu uga waramay BBC.

”Sharcigan waxaa la yiraahdaa sharciga barakacayaasha gudaha, waxaana markii hore soo gudbisay Wasaarada Arimaha Gudaha 2023, wuxuuna yaalay labo sano ku dhowaad. Maanta ayay noqotay inuu meel maro. Wuxuu khuseeyaa arrimaha barakacayaasha gudaha, wuxuuna u sameynayaa difaac oo dowladda uu ku waajibinayo in la ilaaliyo xuquuqdooda aasaasiga iyo in ay helaan degenaansho, in aan khasab lagu barakicinin” ayuu yiri.

Hindise sharciyeedka barakacayaasha ayaa ka kooban 12 cutub iyo 31 qodob, sida uu sheegay xildhibaanku, isaga oo muhiim ku tilmaamay dhamaantood.

”Waa ilaalinta iyo taakulaynta dadka gudaha ku barakacay in xuquuqdooda la ilaaliyo oo cid walbana ay ilaaliso oo aan xoog lagu barakicin oo aan awood loo sheeganin. Inay helaan degenaansho, inay helaan iskuulo, inay helaan dugsiyo quraan, masaajidyo helaan oo garoomo ay ku ciyaaraan helaan, xuquuqdii qofka muwaadinka lahaa oo isagoo gurigiisa jooga wuxuu ku heli lahaa inay iyaguna goobaha ay ku barakaceen ama ay degen yihiin ay ku helaan” ayuu yiri xildhibaan Barako.

Fulinta sharciga ayuu xildhibaanku sheegay in laga rabo xukuumada, ayna ka rajaynayaan inay fuliso oo guud ahaan dowladu ay indhaha ku hayso barnaamijka. ”Wasaarad arrimaha gudaha ayaa masuul ka ah barnaamijkan, guud ahaan dowlada ayaa laga rabaa inay ilaaliyaan xuquuqda barakacayaasha, wasaaradii u qaabilsanaydna inay si gaar ah ula socotana waa muhiin” ayuu sii raaciyay.

Share.
Leave A Reply